Suugo
- Kani waa maqaal ku saabsan nooc ka mid ah cuntada.
Suugo (Af Ingiriis : sauce; Af Carabi : ar) waa nooc ka mid ah cuntada taasi oo inta badan lagu kor daro bariiska, baastada, makaroonaha, canjeerada, rootida, sabaayada, malawaxa iyo wixii la mid ah. Sida la ogyahay suugadu waxay ka sameysan tahay khudaar, saliid, hilib, xawaash, milix iyo biyo la isku kariyay. Suugadu waa dareere mararka qaar khafiif ah, jaamud ama dhexdhexaad ah.[1] Sidoo kale, suugada waxaa la cunaa inta ay kulushay, laakiin meelaha qaar waxaa la isticmaalaa suugo qaboow. Dadka khabiirka ku ah cuntada waxay diyaariyaan noocyo badan oo suugo ah, taasi oo leh midabo iyo dhadhan kala duwan. Marka la diyaarinayo suugada waxyaabaha la iskudaro ayaa inta ugu badan si xirfad leh loo kululeeyaa ka dib lagu daraa xawaash udgoon ka dhiga.
Dadka Soomaalida
[wax ka badal | wax ka badal xogta]Silsilad ka mid ah |
Cuntooyinka |
---|
Noocyada Cuntada |
Cuntada La Cuno |
Cunto Fudud |
Si la mid ah shacabka caalamka, bulshada Soomaalidu waxay isticmaalaan noocyada kala duwan ee suugada. Inta ugu badan waxaa la cunaa suugada wakhtiga quraaca, qadada iyo cashada, laakiin wakhtiyadu intaas kuma koobna. Noocyada suugada ee deegaanada Soomaalida ku caanka ah waxaa ka mid ah suugo cas iyo suugo cad. Dadka Soomaalidu waxay suugada ka diyaariyaan hilib, khudaar, milix, saliid, biyo iyo xawaash kuwaasi oo si xirfad leh loo karkariyo ilaa ay gaadho heer nooca loogu talogalay ah.
Noocyo kala duwan
[wax ka badal | wax ka badal xogta]-
suugo mashruum
-
suugo ukun iyo khudaar
-
suugo tufaax leh
-
suugo rooti
-
suugo xaniiid
Muuqaalka
[wax ka badal | wax ka badal xogta]Suugada iyo Cuntooyin Kale
[wax ka badal | wax ka badal xogta]Qoraalo La Xidhiidha
[wax ka badal | wax ka badal xogta]Linkiyo Banaanka
[wax ka badal | wax ka badal xogta]- National Museum of Pasta Foods – Rome, Italy Archived Jannaayo 2, 2014 // Wayback Machine
- Pasta Facts – Facts about pasta
Tixraac
[wax ka badal | wax ka badal xogta]Wikimedia Commons waxee heysaa war la xiriiro: |